Akhriso:-Guddiga Dhismaha Galmudug oo la magacaabay

heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacowday Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Dowlad Gobaleedka Galmudug, kaas oo maalmihii la soo dhaafay la hadal haayey in la Magacaabayo.

Guddigaan ayaa waxaa magacaabay Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda, Waxaa ay  ka koobanyihiin  13 Xubnood.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in Guddiga iska dhex dooran doonaan Guddoomiye, Ku-xigeenka iyo Xubnaha kale ee la shaqeynaya.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradad Arrimaha Gudaha Xukuumadda ahna kusimaha Wasiirka Isaaq Maxamed Maxamuud ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in guddigaan la magacaabey laga sugayo Go’aanadii kasoo baxay Shirkii dib u heshiisiinta ee Beelaha daga Galmudug.

Magacyadda Gudiiga hoos ka aqriso

Maxamed Cumar Warsame Afrax

Cabdiqaadir Nuur Caraale

Axmed Maxamed Caafi

Cabdirisaaq Kaahiye Yuusuf

Cumar Maxamuud Cabdi

Xuseen Cabdulle Xasan

Maxamed Daahir Faarax

Cabdinaasir Geelle Cilmi

Xaliimo Cabdi Cali

Mahad Maxamuud Cali

Cabdirisaaq Aadan Warsame

Abshir Cabdiraxmaan Maxamed

Cabdirashiid Cali Salad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*