Akhriso:-Sababta loo Mamnuucay duulimaadyadii Kenya iyo Kismaayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucay in duulimaad kasta oo ka yimaada dalka Kenya ee ku socda Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray in diyaaradaha ka yimaada Kenya ee kusii jeeda Kismaayo inay soo maraan Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

“Dhammaan duulimaadyada ka imanaya meel kasta oo Kenya ka mid ah ee sida tooska ah u tagaya Kismaayo waa la mamnuucay. Dhamman duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibedda ah ee ku socda garoonka diyaaradaha Kismaayo waa inay soo maraan Muqdisho”ayaa lagu yiri War kasoo baxay Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii diyaarad ka soo duulshay Nairobi ay si toos ah uga degtay Magaalada Kismaayo iyada oo sida siyaasiin kala duwan,taasoo jebisay amar horey uga soo baxay dowladda Soomaaliya.

Go’aankan dowladda ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Kenya iyo  Kismaayo ayaa waxaa kusoo aadayaa,iyadoo maanta la filayo in wafdi ka socday dowladda Kenya tagaan Kismaayo si ay uga qeyb galaan  Xaflada Caleema-saarka Axmed Madoobe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*