Ciidanka Kenya oo lagu laayay weerar ka dhacay Mandheera iyo Al-shabaab…

Wararka naga soo gaaray Magaalada Man2dheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.

Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin meel ku dhow deegaan lagu magacaabo Ceelraam oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari,isla markaana waxaa intaasi kadib xigay dagaal kooban oo dhexmaray labada dhinac.

Sidoo kale weerarka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan,waxaana la sheegay in Ciidanka Kenya halkaas looga dilay 9 Askari,sidoo kalena looga gubay ku dhawaad Afar Gaari.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Ciidanka Kenya,iyadoo tilmaamay in halkaas ay ku dileen 9 Askari.

Sidoo kale Al-shabaab  waxaa ay sheeteen in weerarka ay ku gubeen Afar gaari oo kala Taaw,Kooyal Mutibiish iyo Probox,isla markaana ay jireen kuwa gaashaaman.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Kenya oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in weerar looga dilay Askar ka tirsan iyo in laga gubay dhowr gaari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*