DAAWO SAWIRRO:-Madaxweynaha Puntland oo loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa gaaray wafdi uu hoiggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga oo Xubno kala duwan isugu jira ayaa shalay la filayay inay tagaan Magalada Kismaayo,iyaga oo kasoo ambabaxay Magalada Boosaaso,hayeeshee waqtiga uu ciriiri ku noqday sidaasina ay ugu hakadeen Magalada Garoowe.

Soo dhaweynta wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxaa a qeyb-qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/Kariin Xuseen Guuleed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Deni iyo wafdiga la socda ayaa waxaa ay ka  qeyb-geli doonaan Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kisamayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*