Daawo:- Seefullahi oo isku soo dhiibay Ciidamadda Dawladda Federalka.

Yarrow Xasan Aadan oo loo yaqaana Seefulaahi ayaa isku soo dhiibay Ciidanka xooga dalka ee fadhigoodu yahay magaaladda Xudur.

Seefulaahi ayaa waxuu sheegay in uu u dulqaadan waayay dulmiga ee Shabaab ku haayaan shacabka iyo ardayda la gawracaayo oo weliba dhiigooda la baneesanaayo.

Arintaan ayaa waxee ku soo beegmeysaa xili ee dhawaan dawladda koonfur galbeed sheegtay in ee xoojin doonto dagaaladda ee kula jiraan ururka alshabaab.

Taliyaha ururka 51 aad laba xidigle Deeroow Cabdi Cali ayaa waxuu sheegay in ee u suuragashay in seefullaahi isu soo dhiibo ciidamadda dawladda ee sababteeda leedahay ehelkiisa oo ku qanciyeen in uu isaga soo baxo uruka Al-shabaab.

Beryahaan Danbe waxaa aad u sii badanaayay ciidamadda kasoo goosanaya Al-shabaab taasi oo loo sababeenaayo hawlagalada ka dhanka ah al-shabaab ee ka soconaya guud ahaan dalka gaar ahaan deegaanada koonfur galbeed.

waxaa la filaayaa in ee dagaalyahanno badan oo shabaab ka tirsan ee isku soo dhiibaan dawladda federalka maalmaha soo socda.

Isha ku haay KGN wixii warar ah ee kasoo kordha deegaanada Koonfur galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*