Dad doonayay inay Xabsiga ka sii daayan Madaxweynihii hore ee DDS oo la qabtay

Ciidanka Ethiopia ayaa gacanta ku dhigay Dad looga shakiyay inay Qorshaynayeen sidii ay Xabsiga ugala bixi lahaayeen Madaxwaynihii hore ee DDS Cabdi Maxamuud Cumar.

Dadka la xidhay waxaa ku jirta gabadh, baabuur ayay hor dhigteen xabsiga Qaaliti, ee ku yaalla Addis ababa, balse xiligaa ay tageen Maxkamadda ayaa loo qaaday Cabdi Maxamuud.

Ciidan goobta joogay oo ka shakiyay ayay rasaas is dhaafsadeen dadka lala xiriiray falka qaarkoodna waa la qabtay.

Wargeyska the The Reporter ee kasoo baxa Ethiopia ayaa daabacay warkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*