Dad ku dhintay Roobab baraf watay oo ka Da’ay Magaalada Jigjiga

Waxaa shalay Magaalada Jigjiga ee Caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ka da’ay roob dufaan iyo baraf wata islamarkaana kala xiray dhamaan isku socodkii gaadiidka iyo dadka magaalada jigjiga.

Roobka ayaa inta la og yahay sababay dhimasho hal qof ah iyo laba qof oo dhaawac ah, inkasta oo la filayo in uu dhaawacu intaasi ka badan yahay. Waxaa kale oo jira dadka soo barakacay guryahoodii ka dib markii xaafada daadku soo galeen.

Dhanka xukuumada DDS, masuuliyiin uu ugu horeeyo Madaxwayne ku xigeenka deegaanka mudane Aadan Faarax, maamulka magaalada jigjiga iyo hay’adaha amaanka ayaa gurmad u bilaabay dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay roobkii dabeysha iyo barafka watay ee shalay ka da’ay Magaalada jigjiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*