Dalal badan oo ku heshiiyey in la badbaadiyo kaymaha Caanka ah ee….

Toddobo dal oo ku yaal Latin America ayaa wada saxeexday heshiis wax lagaga qabanayo masiibooyinka dabiiciga ah ee ku habsada kaymaha Amazon ee dunida ugu ballaadhan.

Waxaanay dalalkaasi iska kaashan doonaan sida looga falcelin doono masiibooyinka halkaa ka dhaca musqabalka iyo is weydaarsiga sawirada dayax gacmeedyadu qaadaan.

Bolivia, Brazil, Colombia, Ecuador, Guyana, Peru iyo Suriname ayaa heshiiskaa wax ka qabashada masiibooyinka dabiiciga ah ee Kaymaha Amazon kala saxeexday. Waxaanu heshiisku dhigayaa in dhir lagu beero meelaha xaalufay ee kaymahaas ka midka ah.

Gabogabadii shir madaxeedkaa ka dib ayaa madaxweynaha Peru, Martin Vizcarra, uu malaha dareenka ay qabaan dadka u ololeeya daryeelka deegaanka ee Latin Amerika muujiyey markii uu yidhi “niyad wanaag keli ahi badbaado uma aha deegaanka.”

Xigasho BBC Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*