DEG DEG:-Ciidamada DANAB oo la wareegay Degmada Awdheegle

Wararka naga soo gaaraya Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaas ay la wareegeen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada dowladda haatan ay si buuxda ula wareegeen gacanta ku heynta Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa intaasi waxaa ku darayaan in dagaalamayaasha Al-shabaab ay gebi ahaan isaga baxeen barqanimadii Maanta degmada Awdheegle,halkaas oo in muddo ah ay ku sugnaayeen.

Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odoyaa Yuusuf Raage oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka xoogga wali ay sii baacsanayaan Argagixisada ay kala wareegeen deegaanada qaar ee Gobalka haatana ay ku sii wajahanyihiin deegaano kale oo wali ay ku danbeeyaan haraadiga Argagixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*