DEG DEG:-Hoggaanka Ahlusunna oo Shir uga socda Magaalada Dhuusamareeb

Hoggaanka Ahlusuna ayaa la sheegay inay wadaan qorsho ah in shir ay ka madax banaantahay dowladda dhexe ay ku qabato Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo ay ka qeyb gali doonaan 11 beeleed ee dega deegaanada Galmudug.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hoggaanka Ahlusuna ay 11 beeleed uga baaqeen in ay yimaadeen Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona dhaq dhaqaaqa qorshan caawa laga dareemayo Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay Ku darayaan in caawa kulan aan caadi aheyn uu caawa u socdo hoggaanka Ahlusuna, islamarkaana waxaa la filayaa inay war-saxaafadeed ka soo saaraan shirkooda.

Dhanka kale hoggaanka Ahlusuna ayaa abaabul ciidan waxaa ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Ahlusuna ayaa shir loogu arinsanayo xaalada Galmudug ay la yeelato 11 beelood ee dega Gobalada Galgaduud iyo Mudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*