Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo weli ka socda Shabeellaha Hoose

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxa y ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan deegaanada hoostaga degmooyinka Awdheegle iyo Barri oo dhawaan ay kala wareegeen Alshabaab.

Howlgalkaan ayaa waxaa qeyb ka ah ciidamada Danab gaar ahaana kuwii dhawaan lagu soo tababaray dalka Turkiga waxaana ay qeyb ka ahaayeen ciidamadii Alshabaab kala wareegay degmada Awdheegle.

Taliyaha ciidanka Lugta ee Soomaaliya Gen: Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhowr jeer sheegay in ciidamadu ay kusii si qayaan deegaano muhiim u ahaa Al-shabaab waxaana uu kormeer ku tegay degmada Awdheegle iyo deegaano kale oo howlgaladu ka socdaan.

Alshabaab ayaa la aaminsanyahay in culeyska ugu badan ay kala kulmayaan howlgalada ka socoda gobolka Shabeellaha hoose kadib markii ay gacantooda ka baxeen tuulooyin iyo deegaano kale oo fariisimo muhiim ah u ahaa dagaalamayaasha Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*