Faah Faahin:-Dil ka dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo Maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Nin la sheegay inuu ahaa Farsama-yaqaan sameeya Mobilada.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay suuqa Cabdalla Shisheeye ee Bakaaraha,isla markaana rag ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen Ninka xili uu halkaas ku sugnaa.

Meydka Marxuumka ayaa waxaa goobta ka qaaday dad shacab ah oo halkaas ka Agdhawaa,waxaana durbo gooba ka baxsaday ragii fuliyay dilkaas.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay kun darayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay tegeen goobta falka ka dhacay,kuwaasi oo sameeyay baaritaano kooban oo ay ku radinayan kooxihii hubeysnaa,hayeeshee kuma guuleysan inay soo qabtaan.

Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybta Cabdalla Shisheeye ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan ragga ku hubeysan Bastooladaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*