Faah faahin:-Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Baay

Wararka laga helayo degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in meel u dhow Saldhiga degmadaasi uu ka dhacay qarax sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxaas oo ahaa Miino la dhigay agagaarka Saldhiga booliska  ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 4 Ruux oo Shacab ah oo laba ka mid ah ay carruur ahaayeen halka ay ku dhaawacmeen saddex Ruux oo uu ku jiro taliye kuxigeenka Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Diinsoor.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow ayaa sheegay in dadka Shacabka ah ay Ciidamada kusoo wargeliyeen Miinada qaraxday ee la dhigay meel u dhow Saldhiga Booliska,isla markaana xilli la doonayay in la kala furo ay qaraxday.

Sidoo kale guddoomiyaha waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada ku sugan degmada Diinsoor ay sameeyeen dadaalo badan oo ay uga hortagayeen in ay waxyeelo geysato miinadaas,hayeeshee aysan dhicin,waxaana dadka Shacabka ah uu ugu baaqay inay Ciidamada la Shaqeeyaan.

Qaraxa kadib ayaa Ciidamada Booliska ee ku sugan degmada Diinsoor waxaa ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ku dhow dhow halka uu qaraxa ka dhacay,iyaga oo qabqabtay dad Dhalinyaro u badan wallow markii dambe ay siidaayeen.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas geystay Khasaaraha isugu jiray dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhacay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*