Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shir uga qeyb galaya dalka…

Shirka Af-hayeenada Baarlamaanka Afrika oo ka dhacaya Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya ku matalaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo halkaasi ku sugan.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaan arrimo ay kamid yihiin Qoxootiga iyo barakacayaasha Qaaradda Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ku haysta dunida iyo gudaha dalalkooda, Waxaana Shirkani yeelanaya guddoonada Baarlamaanada dalalka Afrika,

Dhanka kale Gudoomiye Mursal ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay dalka Koonfur afrika inuu kulamo la qaadan doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gudaha dalkaasi, iyadoona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi ayaa waxaa ay dhibaatooyin kala kulmaan dadka Koonfur afrikaanka ah ee ku nool Dalkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*