Guddoomiye Cabdi Xaashi oo xafiiskiisa ku qaabiley Wafdi Caalami ah oo ka socda…

Guddoomiyaha Aqalka Saree e Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabiley wafdi ka socday Mareykanka oo fadhigoodu yahay Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Y. Yamamoto,iyagoo kulan la qaatay Guddoomiye Cabdi Xaashi,waxaana looga hadlay arrimo  kala duwan.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashoyinka soo socda,Shuruucda horyaalo Aqalka Sare,hanaanka deeyn cafinta iyo arrimo kale.

Sidoo kale kulanka dhexmaray Guddoomiyaha Aqalka Saree e Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayay Donald Y. Yamamot ayaa waxaa lagaga hadlay arrima ay kamid yihiin dib u dhiska ciiidamada dalka Soomaaliya iyo deeqaha aay ku bixiso horumarinta dowlada Mareykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*