Gudiga doorashooyinka maamulka Puntland oo la ansixiyay

Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Golaha Wakiilada Puntland, iyadoona kulanka uu Shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka maamulkaas Cabdirashiid Yuuuf Jibriil.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu ahaa Ansixinta Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ee uu Magacaabay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyadoona fadhiga Golaha ka hor Akhriyay warbixino la xiriira waxyaabihii u qabsoomay inta ay xilka hayaan.

Intaas kadib Golaha Wakiilada ayaa Cod gacan taag ah u qaaday ansixinta Guddiga Doorashooyinka, iyadoona ugu dambeyntii Cod Aqlabiyad leh lagu ansixiyay Guddiga.

Guddigan Maanta la meel-mariyay ayaa waxaa horyaalla oo laga doonayan inay qabtaan Shaqooyin badan, kuwaasi oo ku saabsan arrimaha Doorashada Puntland.

Ammanka Xarunta Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa inta badan la xiray Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*