Isbaheysiga Musharaxiinta Galmudug oo ka horyimid Guddiga Farsamada

Qaar kamid ah Musharaxiinta u tartameysa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka horyimid Guddiga Farsamada maamul dhisida Galmudug oo dhawaan Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay ka soo baxay Musharaxiinta kala ah Kamaal Daahir Xasan Guutaale iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa waxaa lagu sheegay in hanaanka loo maray Magacaabista Guddiga dhismaha Galmudug uu  baalmarsan yahay Dastuurka Galmudug iyo Shuruucda dalka iyo Nidaamka Federaalka.

Sidoo kale Warka Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in ku dhawaad kala bar Guddiga dhismaha Galmudug ay ka tirsan yihiin Shaqaalaha Rayidka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xafiisyada Madaxweynaha,Ra’iisul Wasaaraha,Golaha Shacabka iyo Xafiisyo kale oo ka tirsan dowladda.

Halkaan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*