Madaxa Xukuumadda Galmudug oo shaki geliyay heshiiskii dowladda iyo Ahlusunna

Madaxa Xukuumadda dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxa uu shaki geliyay heshiiskii dhexmaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hogaanka ahlusunna Waljameeca.

Qoraal ka soo baxay Sheekh Shaakir oo loo diray Ra’iisul Wasaare Kheyre, laguna ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa looga dalbaday inay jawaab degdeg ah looga keeno arrimo socda oo ka baxsan heshiiskii horay ay Ahlusuna ula gashay dowladda Federaalka, gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka oo ku taariikheysan 5-ta bisha Agosto ayaa lagu sheegay inay dhaceen arrimo xadgudub heshiiskii ay la galeen, sida magacaabida Taliyeyaal ciidan aan ku jirin heshiiskooda, ku soo gurid Ciidamo dheeraad ah oo ka baxsan Heshiiskii, hadal heyn ah in Ciidamo Ajnabi iyo kuwa ka socda dowladda Federaalka, howlgalo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka baxsan ciidankii isku dhafka ahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*