Madaxii ilaalada Boqorka Sacuudiga oo toogasho lagu khaarijiyay

Mas’uul sare oo katirsan ciidanka dowladda Sacuudiga ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday Magaalada Jiddah ee ku teedsan xeebta badda Cas.

Warar xalay laysla dhax qaaday baraha bulshada ayaa sheegayay in la dilay Jeneraalkii ugu sarreeyay ee ciidamada sida gaarka ah u ilaaliya Salmaan Bin Cabdul Caziiz oo ah boqorka dowladda Aala Sacuud.

War rasmi ah oo ay faafisay Jariiradda Alriyaadh ee Afka dowladda ku hadasha ayaa lagu xaqiijiyay in la dilay Jeneraal Abdul Caziiz Al-Faghm oo ahaa taliyihii ciidanka ilaalada Salmaan.

Dilka Jeneraalka waxaa geystay askari kamid ahaa ciidamadii uu taliyaha u ahaa balse warbaahinta dowladda ayaa dhacdadan ku tilmaamtay khilaaf shakhsiyadeed islamarkaana uusan ku lug laheyn siyaasadda wadanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*