Mas’uul hore Caan ah oo ku baaqay in wada-hadal lala furo Al-shabaab

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay dagaalka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa uu ku baaqay in wada hadal toos ah lala galo dagaalamayaasha Al-shaabaab,isagoona sheegay in dadkaas ay yihiin Soomaali.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa la tilmaamay in Al-shabaab ka arki waaye,isla markaana ay fiicneed in laga guuleysto,hayeeshee taasi ay dhici weyday.

Isaga sii hadlaayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in aan la dhaliilsan kari nabada wadahalka ku timaada,isagoo xusay in ay aad u fiican tahay in Al-shabaab wada-hadal lalagalo.

Ugu dambeyntii Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa uu sheegay in hadii xal Milateri adkaado loo baahan yahay in la helo xal siyaasadeed six al loogu helo amniga dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*