Maxaadan Ogeyn oo saaka ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose?

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay saakay howlgal ka wadaan deegaanno hoostaga Degmada Awdheegle.

Ciidamada ayaa baaraya gaadiidka iyo dadka saaran ee isticmaalaya deegaanada ay howlgalka ka wadaan.

Sidoo kale waxa ay baarayaan qaar kamid ah Xaafadaha deegaannada ay ka howlgalayaan ee hoostaga Awdheegle,kadib markii halkkaas dhawaan ay kala wareegeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada ay wadaan ay ku doonayaan in ay ku tagaan deegaanno ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Dhulka Odowaa Yuusuf Raage ayaa maalin kahor sheegay in ay xoojiyeen howlgala ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*