Muqdisho:- Caruur laga soo bad baadiyay shabakad ka ganacsata caruurta

Ciidamadda danbi baarista ee loo yaqaano CID ayaa waxee gacanta kusoo dhigeen shabakad ka ganacsata caruurta.

Shabakadaan ka ganacsata caruurta ayaa tiradooda lagu sheegay 11 ruux oo 8 kamid ah ee yihiin haween.

Zakiya Xuseen oo ah taliye ku xigeenka ciidanka booliska soomaaliya, ayaa waxee sheegtay in mudo ahba in ee daba joogeen 11 kaasi ruux oo loo heysto danbiyo ku aadan ka ganacsiga caruurta.

Tirada caruurta laga soo bad baadiyay shabakadaasi ayaa waxaa lagu sheegay in ee gaarayaan 11 caruur ah oo da’doodu u dhaxeyso 7 bilood ilaa 12 sano jir.

Zakiya ayaa waxee sheegtay in haatan caruurtaasi ee gacanta ku heyso dawladda baadigoobna ugu jiraan cwaalidiinti dhalay caruurtaasi.

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka soomaaliya ayaa waxaa aad ugu sii badanaaya caruurta oo laga ganacsado ayada loo iib geeyo xubnahooda suuqyada caalamka.

KGN waxee ku boorineysaa guud ahaan waalidiinta soomaaliyeed in ee caruurta da’doodu ka yar tahay 12 sano aan loo ogolaan in ee kaligood iskuulada aadaan.

isha ku haay KGN wixii war ah ee kasoo kordha arintaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*