Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

War hada soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in Jugta qarax laga maqlay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho, kaasi oo ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid uu ku xirnaa gaari nooca raaxada ah ayaa qarxay xili uu ku dhex jiray Garaasha ku yaalla Xaafadda Kaawa Godeey ee Degmada Wadajir, waxaana la sheegayaa in jugtiisa laga maqlay Xaafado kale oo ka tirsan degmadaas.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay Khasaaro, waxaana goobta uu ka dhacay ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, isla markaana xiray Aaga oo dhan.

Sidoo kale Qaraxas ayaa saamey u geystay dad shacabka oo ku sugnaa meel ku dhow Garaashka uu ka dhex dhacay qaraxa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*