Qunsuliyadda Soomaaliya ee Jeddah oo muran ka taagan yahay.

KGN Jeddah

Jeddah (KGN) – Qunsuliyada ay Dowladda Soomaaliya ku leedahay Magaalada Jeddah ee Wadanka Sacuudi Carabiya ayaa la sheeegayaa in muran xoogan uu ka taagan yahay.

Aintan ayaa timid kadib markii Qunsulka guud ee Safaaradda Soomaaliya ee Jeddah Ilyaas Sheekh Cumar Abuukar uu sheegay in wax uu ku sheegay Daroogo lagu dhex iibiyo Xafiiska Qunsuliyada.

Ilyaas Sheekh ayaa hore u xiray goob yar oo Ganacsi oo ku dhex taal Xafiiska Qunsuliyadda oo uu cabitaano kala duwan  ku dhex iibsan jiray Darawalkii Qunsuliyadda oo lagu magacaabo Sheekh Nuur oo dhabarka uga jabay shil baabuur muddo laga joogo 10 sano taasoo sababtay dhaawacii soo gaaray awgii uu shaqadiisii darawalnimo uu wadan waayey, markii uu ka soo kabtay dhaawicii soo gaarayna waxaa loo ogolaaday inuu Xafiiska qunsuliyada uu ganacsi yar ka dhex samaysto oo dadka Soomaaliyeed ee Xafiiska danaha ka leh iyo Odayaasha Jaaliyada Soomaaliyeed ay wax ka iibsadaan.

Warkan uu sheegay Ilyaas Sheekh  ayaa sababay in odayaasha Jaaliyada Soomaaliyeed ay aad uga caroodaan ayna sheegeen in Qunsulku uu faafinayo waxyaabo been abuur ah si goobta ayar ee ganacsi ee loo ogolaaday Darawalkaas dhabarka ka jabay u joojiyo ganacsiga yar ee nolol maalmeedkiisa uu ka raadsado.

Odayaasha Jaaliyadda oo aad uga carooday hadalka Qunsulka ayaa ka dalbaday inuu keeno  caddeymo ku saabsan hadalka uu ka dhex sheegay Masjidka Qunsuliyadda haddii kale ay dacwad u gudbin doonaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Qunsul Ilyaas ayaa laga soo bedelay Dalka Masar oo uu ka ahaa Qunsul kadib markii muddo dheer uu khilaaf kala dhexeeyey Safiirka Soomaaliya ee Masar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*