Safarkii Madaxweynaha Puntland ee Kismaayo oo sabab layaab leh u baaqday

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo Arbaco lagu waday inuu Safar ku gaaro Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose,hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.

Madaxweyne Deni oo diyaarad ka qaaday Boosaaso ayaa ka degay Magaalada Garoowe ,isla markaana waxaa halkaas kus oo dhaweeyay qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo dadweyne shacab ah.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Boosaaso,waxaana lagu waday in galab diyaarad ay ka qaado Garoonka diyaarada Garoowe,taasi oo ka dejin laheyd Kismaayo,hayeeshee waxaa la shaaciyay in safarka uu baaqday sababo dhanka Hawada ah,maadaama  Garoonka Kismaayo usua laheyn Nalal xiliyada habeenkii ah

Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa lagu waday inay tagaan Magaalada Kismaayo,iygaoona halkaas uga qeyb gelin lahaa Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Deni ayaa maalinta berri ah oo Khamiis ah kusii jeeda Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*