Sawirro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Xasan Asad

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Xarunta dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Safiirka Dowlada Qatar u fadhiga Soomaaliya Mudane Xasan Xamsa Asad.

Kulanka u dhexeeyay Guddoomiye Finish iyo Xasan Xamsa Asad ayaa waxaa looga hadlay Dardargalinta Mashaariicda Horumarineed ee Qatar ay ka fulineyso Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Gobolka Banaadir iyo Qatar.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa Cumar Finish ku wehlinaayay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*