Wararkii ugu dambeeeyay Weerarkii Maanta ka dhacay Awdheegle

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarkii xooganaa ee barqanimadii maanta ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Weerarka oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha Degmadaasi.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday.

In ka badan 10 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaasi iyo dagaalka xigay, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Gacal Cabdulle oo ahaa Sawir qaade ka tirsan Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan Degan, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaana ku sugan Goobahoodii todobaadkii hore Shabaab ay kala wareegayn degmadaasi. waxaana lagu soo waramayaa in Haatan Kooxihii Weerarka soo Qaaday loo Eriyay Banaanka Magaalada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*