Wararkii ugu dambeeyay Xiisad ka taagan Gobolka Sanaag,kadib markii…

Wararka laga helayo deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa laba maleeshiyo Beeleed.

Xiisada ayaa ka dambeysay, kadib markii laba Maalin ka hor maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen Goob kaalin shidaal lagu iibiyo ah,isla markaana rasaastas ay ku geeriyoodeen 7 ruux oo Afar ka mid ah ay haween ahaayeen.


Mid ka mid ah dadka deegaanka Ceel-Afweyn ayaa sheegay in maleeshiyaadka kasoo kala jeeda dadkii la dilay iyo kuwii ka dambeeyay dilkooda ay isku hub aruursanayaan lagana cabsi qabo inay dagaalamaan.

Deegaanka Ceel-Afweyn ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland, hayeeshee dhowr mar ay ku fashilmeen inay kala dhex galaan maleeshiyo beeleedyada dagaalamaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*