Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somalia iyo Madaxweynaha Somaliland oo kulmay

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Magaalada Mina ee dalka Sacuudiga u jooga gudashada waajibaadka Xajka ayaa waxaa ay halkaas kula kulmeen Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo isna ah kamid ah Madaxda Sanadkan xajineysa.

Wasiirada ayaa waxaa ka mid ahaa,Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan, Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud,waxana kulankooda uu ahaa mid is arag ah oo aan horay loo sii qorsheyn.

War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray  Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Cabdullaahi Xaamud ayaa waxaa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin la kulanka Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi.

“Sharaf ayeey ii ahayd in aan xalay la qaxweeyno Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweyne Biixi waa nin waayo arag ah, yaqaanana qiimaha aynu isu leenahay, aadna u qaddariya rayiga walaaltinimo.Fadliga maalmahan barakaysan, iyo dhulkaan barakaysan awgiis Allow kulankeena ka yeel mid barakeysan”ayuu yiri C/llaahi Xaamud.

Kulanka Xalay Magaalada Minsa ee dalka Sacuudiga ku dhexmaray Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu ahaa midkii ugu horeeyay ee tan iyo markii xilka loo doortay Muuse Biixi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*