Xaflada Caleema-saarka Axmed Madoobe oo Maanta dhaceysa

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed,Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ee dalka,Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka,Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa lagu Casuumay Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Mas’uuliyiin kale,kuwaasi oo dhammaantood ku sugan Magaalada Kismaayo.

Mas’uuliyiinta ayaa Khudbado kala duwan ka jeedin doona Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Ammaanka guud ee Magaalada Kismaayo ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana inta badan  la xiray Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta  ay ka dhaceyso Xaflada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*