XASAASI:-Liiska Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland oo la shaaciyay

Guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay Liiska Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Maamulkaas.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha & doorashooyinka Jubbaland Axmed Cumar Maxamed ayaa akhriyay Magacyada Xildhibaannada Cusub oo gaaraya 73 mudane,waxaana uu sheegay in laba Xubnood ay Baarlamaanka Cusub ka harsan yihiin,kuwaas loo hakiyay sababo farsamo aawgeed.

Waa Baarlamaankii labaad ee uu yeesho Maamulka Jubbaland tan iyo markii la aas-aasay dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Sidoo kale waxaa la filayaa in dhawaan Xildhibaanada Cusub ay soo doortaan Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Hoos ka Akhriso Magacyada Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*