XASAASI:-Waqtiga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo la shaaciyay

Qoraal kasoo baxay Guddiga madax bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubnaland ayaa waxaa isbedel lagu sameeyay jadwalka xilliga ay dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Jubbaland & tan guddoonka Baarlamaanka.

Qoraalka Guddiga ayaa lagu sheegay in Maanta oo Arbaco ah ay bilaabaneyso diiwaangelinta musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka, maalinta berito ahna ay tahay Maalinta hadal-jeedinta musharixiinta,isla markaana Sabtida oo ku beegan 17-ka Bisha Agoosto la qabanayo doorashada guddoonka Baarlamaanka Jubbaland.

Sidoo kale Guddiga doorashada Jubbaland ayaa waxa ay shaaciyeen in Maalinta Axada ah ee soo socota taariikhduna ku beegan tahay 18-ka  Bisha Agoosto ay khudbaadahooda jeedin doonaan musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland,isla markaana isniinta  ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Hoos ka Akhriso Jadwalka Cusub ee Doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*