Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Maanta ku wajahan Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta waxa ku wajahan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed.

Wafdiga ay hogaaminayan labada Madaxweyne ayaa waxaa kamid ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,Siyaasiyiin iyo Mas’iiliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ujeedka Xasan Sheekh iyo Shariif Sh Axmed u tegayaa Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay tahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islmaan Axmed Madoobe oo dhawaan lagu dhacdo halkaas.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ayaa Bishaan lagu xayiray Garoonka Muqdisho xilli uu doonayay in uu u dhoofo Kismaayo,taas oo xiisad siyaasadeed abuurtay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore tegi doona Kismaayo,iyada oo isla maanta uu Muqdisho ka ambabixi doono Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore dalka iyo wafdi uu hogaaminayo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa saakay u duulay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,iyadoona halkaas ay uga sii horeyneyn Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*