Xiisad Cakiran oo ka taagan Degmo ka tirsan Gobolka Hiiraan

?????????????????????????????????????????????????????????

Wararka laga helayo Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay taliyaha Booliiska degmadaas.

Xiisadaan ayaa timid kadib markii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale uu shaqa joojin ku sameeyay Taliyaha saldhiga,kadib markii ay isku dhaceen ciidamada booliiska oo isaga ka amar qaata iyo ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka

Taliyaha ayaa ka hor yimid xilka-qaditaas isaga oo amray ciidamada in ay gutaan shaqooyinkooda cid aan taliyaha booliiska gobolka aheyna aysan shaqo joojin ku sameyn Karin isaga.

Dhinaca kalana guddoomiyaha gobolka Hiiran oo shalay gaaray Jalalaqsi ayaa dib ugu laabtay magaalada Beledweyn kadib markii uu ku guul dareystay in uu xaliyo xiisadii u dhaxeysay Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Booliiska Hirshabeelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*