Xiisada Mareykanka iyo Venezuela oo cirka isku shareertay

Maamulka Trump ayaa xayiray dhammaan hantida dowladda Venezuela iyada oo ay si weyn uga sii darayso xiisada u dhaxeysa Nicolás Maduro iyo Donald Trump.

Xayiraadaan waxay mamnuuc ka dhigaysaa dhamaan shirkadaha Mareykanka in aysan ganacsi la samayn karin dowladda uu hogaamiyo Maduro.

Xayiraadaan waxay timid habeennimadii Isniinta iyadoo amar fulineed laga keenay Madaxweyne Trump isla markaana lagu wado in si dhaqsi ah u dhaqan galo.

Tani waxay noqonaysaa ficilkii labaad ee uu maamulka Trump ay ku doonayaan in ay kursiga kaga tuuraan Nicolás Maduro.

Bishii Janaayo ayay ahayd markii uu maamulka Trump u aqoonsaday hogaamiyaha mucaaradka Juan Guaidó inuu yahay hogaamiyaha saxda ah ee Venezuela.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*