Xildhibaanada Hirshabeelle lagu amray in si Deg deg ah dib ugu laabtan….

Kadib markii uu dhammaaday fasixii ay ku jireen Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu amray inay si deg deg  ah dib ugu soo laabtaan Magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa Xildhibaanda ku amray inay kusoo laabtan Caasimadda Hirshabeelle si uu ku farmo kal-fadhiga Baarlamanaka oo mudooyinkii dambe fasax ahaa.

Sheekh Cismaan Barre ayaa fariin wargelin ah oo ku aadan furitaanka Baarlamaanka u diray Xildhibaanada,isagoona u sheegay in maalmaha soo socda uu furmayo Kal-fadhiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*