Yaa furaya Maanta Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya?

Maanta oo arbaco ah ayaa lagu wadaa in uu furmo Kalfadhiga 6aad ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib Labo bil fasax ah oo ay xildhibaannadu ku maqnaayeen.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wada in uu maanta furo kalfadiga lixaad ee Golaha shacabka iyo aqalka sare, waxaana la filayaa in uu madaxweynaha uu khudbadiisa kaga hadlo arrimo badan.

Kalfadhiga lixaad ayaa maanta ka furmaya Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye waxaa marti ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo kalfadhiga lagu casuumay.

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,isla markaana la la xirau Wadooyinka soo gala iyo kuwa Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*