Yuhuudda oo Afar dal ka geysatay weeraro kala duwan

Xukuumadda Yuhuudda, ayaa weerarro kala duwan ka gaysatay gudaha dalalka Suuriya,
Labnaan iyo Ciraaq, Israa’iil ayaa sheegtay inay weerarro ay ka gaystay gudaha dalka Suuriya ku beegsatay ciidamo Iiraan ay leedahay iyo kooxo maleeshiyaadyo ah.

Koonfurta Magaalada Bayruut ee caasimadda dalka Labnoon, ayaa waxaa kusoo dhacday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ta, taasoo ay Israa’iil lahayd,
deegaankaas oo ay aad ugu badan yihiin ururka shiicada ah ee Xisbullah layidhaa, xisbullah ayaa sheegay inay soo ridi doonaan diyaaradaha Israa’iil.

Madaxwaynaha dalka Labnoon ayaa sheegay, in weerarrada ay Israa’iil kusoo qaadday dalkiisa ay ku shaacinayso dagaal, raysal-wasaaraha dalka Israa’iil Benjamin Netanyaahu, ayaa hore u sheegay inay dawladdiisu beegsanayso wax uu ugu yeedhay argagixiso.

Netanyahu oo ah wasiirka gaashaandhigga, ayaa dalka Iiraan ku eedeeyay inay taageerto argagixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*